Wallaahi Hadaan Muran Sii Xoojiyo Ama Islaanta Ama Awrka Miduunbaan Heli Cheif Caaqil Axmed Cumar

0
13 August 2017 10:38 in Aragtida Dadweynaha by Xafiiska Sare
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wallaahi Hadaan Muran Sii Xoojiyo Ama Islaanta Ama Awrka Miduunbaan Heli Cheif Caaqil Axmed Cumar

    Wallaahi Hadaan Muran Sii Xoojiyo Ama Islaanta Ama Awrka Miduunbaan Heli Cheif Caaqil Axmed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wallaahi Hadaan Muran Sii Xoojiyo Ama Islaanta Ama Awrka Miduunbaan Heli Cheif Caaqil Axmed Cumar
Markaasuu odaygii safarka ahaa intuu ka naxay awrkii soo ag joojiyay si uu u qaado markaasay iskaantiisii


Sheekaba sheekay keentaaye
Baribaa waxaa la yidhi oday iyo islaan is qaba oo safar ku jira isla markaana wata awrkay ku safrayeen
Ayaa waxay ku soo baxeen oday indha la oo meel wado ah lagaga tagay markaasuu odaygii indhaa la,aa maqlay sanqadha safarka meesha maraya markaasuu qayliyay
yaa muslimaay
Yaa muslimaay
Waar i qaada waar meesha ha igaga tagina
 



dir="auto">Markaasuu odaygii safarka ahaa intuu ka naxay awrkii soo ag joojiyay si uu u qaado markaasay iskaantiisii diiday in la qaado odayga indhaha la, waxaanay odaygeedii ku tidhi ee aw cabdoow inga daa waxaa meesha loogaga tagay ayuu qabaaye
 
Markaasuu odaygii intuu diiday islaantiisii ayuu odaygii indhaa la,aa awrkii saaray sidii baanay tuulihii ugu horeeyay ku yimaadeen iyagoo odaygii indhaa la,aana sida waxaanay dhigeen maqaaxi magaalada ka mida
 
Hadaba odayga iyo islaanta safarkoodu wuu dhaafsiisnaa tuulahan oo waxay u socdeen meel ka baxsan tuulahan ay odaga indhaa la dhigeen waxaanay sii wateen safarkoodii
 
Hadaba balaayoba waata danbaysee markii ay is yidhaahdee magaalada ka baxa oo ay awrkoodii rarteen ayuu odaygii indhaa la,aa qayliyay
Waar ha yaay
Waar ha yaay
Waar yaa islaamaay
Waar ninka awrka iyo islaanta iiga reeba waar wuu i dhacayaa waar itaalkayguu arkay
 
Iska markiiba dadkii tuulada joogay ayaa odagii iyo islaantii iyo awrkiiba soo qabtay markaasa la warysatay markaasay u sheegeen odagii iyo islaantiisii in ninkan indhaha la, ay wado kasoo qaadeen oo ay u naxariisteen
 
Markaasuu odaygii indhaha la,aa sii qayliyay waar waa beentiisa waar wuu idhacayaa waar ha ii maqlina waar islaantuna waa min waynadaydii oo way igu hinaasaysantahay isna isna wuu i dhacayaa
Waar ii qabata waar ii qabta
 
Markay hadaba xaaladu halkaa marayso ee mid run sheegaya la waayay
ayuu caaqilkii magaaladu go,aan gaadhay waxaanu yidhi caawa sadexdan qof midba qol iigu xidha kadibna iskaga taga inigaa baadhay cidii qaldane
 
Markaasuu odaygii magaalada caaqilka u ahaa saqdii dhexe midba mar u dhukusay waxaanu dhagta saaray allbaabkooda mid kasta si uu u dhagaysto bal mid waliba wuxuu ku calaacalayo ee uu iskula hadlayo
 
Waxaanu ugu horeeyay odaygii awrka iyo islaanta watay safarka ahaa
 
Waxaanu maqlay isgoo ku calaacalaya hadaan islaantayda maqli lahaa oon balaayada indhaha la, aanan soo qaateen dhibaatoba miyay isoo gaadhi lahayd
 
Markaasuu hadana caaqilkii magaaladu soo dhagaysta islaantii oo saqdii dhexe buuqaysa
 
Iyadoo ku calaacalaysa
Waakaase ha ka lug baxo balaayadaa indhaha la, ee uu soo qaatay imisaan lahaa inga daa waxaa looga tagay ayuu qabaaye
 
Markaasuu caaqilkii magaaladu hadana soo dhagaystay odaygii indha la,aa oo isna isgu sheekaynaya
 
WALAAHI HADAAN MURANKA SII XOOJIYO AMA ISLAANTA AMA AWRKA MIDUUNBAAN HELI
 
Ujeedo
--------------
Qoladan golaha wakiilada ee inta laga helay gudoonkii golaga ee hadana ku murmaya inay iyagu heleen
Xaalkoodu waa halkii
indhoolaa
 
Waxaanay isagu sheekaynayaan
 
Walaahi Hadaynu muranka sii xoojino ama gudoomiyaha ayaynu heli ama ku xigeenka koobaad ayaynu heli
 
Axmed essa omar
LATEST NEWS