Qoyskii Qarniga!

0
Saturday 26th March 2016 11:37:59 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoyskii Qarniga!

    Kulan wanaagsan marka kale akhristayaasha sharafta leh,. Halkan waxaan idiinku soo gudbin doonaa qormooyin xiiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan wanaagsan marka kale akhristayaasha sharafta leh,. Halkan waxaan idiinku soo gudbin doonaa qormooyin xiiso

leh oo musalsal ah waa QOYSKII QARNIGA! Waxaan diirada saari doonaa bal Afartii Madaxweyne ee dalkeena soo maray iyo siday Xigto , Xigaal iyo Qoys ay uga qabyaaladayn jireen awoodaha qaran ee ummadu u igmatay. Waxaan uga socdaa Madaxweynihii Shabahayey Afweyne Bare ee Morgan magacaabay ee Maslax magacaabay ee khadiija magacaabay ee Ayaanle magacaabay ee Hibo magacaabay . qormadan waxaa iyana ku duugnaan doona Mansabyada Tooska ah iyo kuwa dadban ee Madaxweyne u magacaabay xubno kamid qoyskiisa iyo waliba warbixin ku saabsan xafiisyada ka furnaa/furan dabaqa labaad ee Qasriga Madaxtooyada tirada qoyska ee ka hawlgala wakhtigan ................! Waxaa kale oo aynu xusi doonaa boobka hantida ummada iyo xaalufinta dhaqaalihii dalka qoyska ku kacay ..... !

Qormadan sidaan hore idiinku sheegay waxay noqon doontaa mid taxane ah balse maanta waxaan sii dulxaadin doonaa labadii madaxweyne ee u horeeyey iyo in ay ku sifoobeen waxaa aynu maanta qalinka u qaadanay .

Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali ALLE naxariistii jano haka waraabiyee; waxa uu ahaa Madaxweyne Qiime leh oo kusoo hagaagay wakhti dalka fowdo ka jirto dalka lasoo galay oo daydaygii meel walba daba rogay, madaxweyne karti adag ayuu ahaa ALLE Ha unaxariistee , inta uu Madaxtooyada kasoo baxo ayaa suuqa KABAHA lagaga saarayey , oo uu iska lugayn jiray suuqyada iyada oo ay waxaasi ku socdaan. Cahdigaa , Marxuum Cabdiraxman isaga oo sidaas ku jira oo isagii lagu hayo carqalado ay markaa wadeen Hogaamiyayaasha manta dalka ka taliya qaar kamid ahi miyey suura gal u ahayd in uu keeno oo uu ku barbaariyo Qoyskiisa iyo qarabaabadiisa meel isagaba loogu diiday jiif iyo jog oo kabaha lagala baxaayo? Marxuum Cabdiraxman madaxweyne Qaran ayuu ahaa balse ahayn Madaxweyne Qaraabo iyo qoyska u shaqeeya.

Haddalkaa inagu yara dheeraadee ......LASOCDA QAYBAHA dambe oo HAKA FOGAANINA SHaashadaha kala duwan.................................................!

Cabdirasaaq Askar

Halsan Media Group

Hargeisa,Somaliland


LATEST NEWS