Lataliyihii iscasilay ee musharaxa xisbiga Ucid oo xog culus iyo Talo gudbinaya.

0
Monday 28th March 2016 18:02:39 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 2729
  • (Rating 4.6/5 Stars) Total Votes: 9
  • 30 0
  • Share via Social Media

    Lataliyihii iscasilay ee musharaxa xisbiga Ucid oo xog culus iyo Talo gudbinaya.

    Uk (KNN) Waxaa goordhawayd shabakadda karinnews uu soo gaadhsiiyay Lataliyihii iscasilay ee musharaxa xisbiga Ucid Md Muse Mohamed Hagi Duale. war murtiyeed kaas oo ku salaysan xogo xisbiga ucid ah waxaana war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan :-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uk (KNN) Waxaa goordhawayd shabakadda karinnews uu soo gaadhsiiyay Lataliyihii iscasilay ee musharaxa xisbiga Ucid Md Muse Mohamed Hagi Duale. war murtiyeed kaas oo ku salaysan xogo xisbiga ucid ah waxaana war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan :-

Xog waran sida qoraxda u cad.

Waxan muran ku jirin in garabkii Udub iyo Ucid wada galen''Beeycadii,,Rasuulku (scw) ku galay Geedka hostiisa mid la mid ah.waxay ahaydbalan cad oo Umada S/L,oo dhami xogagal kahayd.nuxurka laysla wafaqay oo ahaa ,Jamaal musharax xisbiga,Cabdi rashiid mush.kuxigen,halka Faysal Gudomiyii ahado.

musharaxiintii waxay tuurta u riteen xisbigii Ucid,waxayna wajaheen duruuf adag oo ku xeerayd Xisbiga.

Musharax Jamal waxuu xisbiga Ucid ka soo qatay Urur,wuxuna ku guleystey in uu u gudbo xisbi.Guushii Xisbinimo ee qaranka.xaqiiqdii baxadii hawshu waxay ku dhacday,Musharaxii Xisbiga Naf iyo maala wuu duldhigay.Gudomiyuhu maanta in uu ka baxo heshiiskii waa nasiib daro weyn iyo wacad furyo.

Talo mug iyo miisan leh oo ku wajahan Gudomiye Faysal,iyo Musharax Jamaal iyo Gudd fulinta.

Faysal waa Odaygii xisbiga ixtiraam iyo xurmo,ayuu naga mudan yahay.waxuu mudan yahay mamuuso,oo loo aqonsado Mandelihii Geeska Africa.madaama uu noqday Ninkii ugu horeyey ee janiska u baneya Rag aqoonyahan ah oo Da'a yar,kana soo sharaxa Xisbigii uu gudomiya ka ahaa.

Gudomiye:aniga oo kuu haya ixtiraam oo Illalinaya sharafkaaga,iyo sharafka xisbiga Ucid waxan ku talin lahaa taloyinkan waxan jeclahay in aad ajiibtan,wanad ogtihiin in aan ka soo jedo Ca'ailad talada hido u leh.

Mindida daabkeeda adigahaya,waxad ilalisa sharafkaga iyo sharafka Ubadkaga,iyo sharafka Xisbiga iyo sharafka qaranka.Gudomiye fadlan waxad danaysa xisbiga iyo jiritankiisa iyo guushiisa.waxan ognahay Guushu in ay la jirto oo raacayso wixii midaysan,xisbigii Ucid waxa soo wajahay khilaf aay iigu muqato in aad u sababtahay.xalkuna wuxuu ku jira Gacantaada,oo ah in aad fulisid Balanqaadkii Hore aad gashay.

Gudomiye waxaynu labadeenu ka soo jeedna Ca'ilaad,talada hido fog u leh.waxan jeclahay in aad ilalisid sharafkaga,waxa kuu mudan in aad ilaalisid sharafka Tariikhiga ah ee aad ka soo jeedoWaxan kaga digaya balanqadyo buuxiya noloshada oo aanad fulin,iyo riyooyin been ah oo aad ka qaadatid lataliye xikmada ka madhan.sida aad u jeceshahay in lagu qadariyo,u qadari tagerayasha xisbiga oo tixgeli talada xisbiguna yaanu inaga burburin ee badbaadi.

Musharaxa Jamaal:Waad ogtahay oo istiqalad in aan ka soo dhiibay lataliyii aan kuu ahaa,waxa igu kalifay waad ogtahay.waxan kula jeclahay Guul,iyo in aad ahatid Nin Rag ah oo adkaysan u leh,wixii aanu jeclayn ee soo wajaha.waxad tahay Nin shakhsiyadiisu,ku si fowday in uu Umad hugamiyo.dhaliiluhu waay iman karan oo Hugaamiye dhaliil ma wayo.waxad iska ilaalisa hadalka deelqaafka ah,ee gefka ah ah ee aad ku sii talax tegeysid.waxad noqota nin Rag ah oo cadhadiisa xukuma,oo aan hadal xumo ka dhicin.wixii kaa dhacay raalin gelin ka bixi,wixii aad tirsanaysidna iska iloow xaaladana soo dabaal mar labadd.

Gudida Fylinta ee xisbiga:Xilkii wad ku guul daraysaten,wayo khilafkii ayad xalili kari weyden u dhaxeyey Gudomiya iyo Musharaxa.waxan idinkula talanaya in aydin deg deg isugu keentan,oo arinka gacanta ku qabatan si anu maxkamad u gadhin.

Xalkuna wuxuu ku jira idinka oo Runta u kala sheega,oo illaahay ka yaaba oo xusuusta malaka mawdka idin taagan Ilbaabka.xalku wuu fududyahay waa runta oo aad sheegtan,oo ah Balantii hore loo galay oo sidii loo dayo.shirkii Golahan la qabto,sidii balantu ahaydna lagu ansixiyo.wabillahi tawfiiq.

Alahuma balaqtu.

Amrk Muse Mohamed Hagi Duale.

Birminham Uk.


LATEST NEWS