Top News:- Nuxurka Kulan Dhex-Maray Mid Ka Mida Beelaha Somaliland Dega Iyo Gudoomiyaha Kulmiye + Maxaa Laysku Waydaarsaday Kulanka +SAWIRRO.

0
Sunday 18th September 2016 22:32:00 in Islamic by
  • Visits: 2063
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Top News:- Nuxurka Kulan Dhex-Maray Mid Ka Mida Beelaha Somaliland Dega Iyo Gudoomiyaha Kulmiye + Maxaa Laysku Waydaarsaday Kulanka +SAWIRRO.

    Top News:- Nuxurka Kulan Dhex-Maray Mid Ka Mida Beelaha Somaliland Dega Iyo Gudoomiyaha Kulmiye + Maxaa Laysku Waydaarsaday Kulanka +SAWIRRO.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Top News:- Nuxurka Kulan Dhex-Maray Mid Ka Mida Beelaha Somaliland Dega Iyo Gudoomiyaha Kulmiye + Maxaa Laysku Waydaarsaday Kulanka +SAWIRRO.

Munaasibada Balaadhan oo loogu diyaargaroobaayo qabsoomida Diwaangalinta Gobolka Saraar iyo Sool ayaa lagu qabtay Caasimada Hargeysa, munaasibada oo uu lahaa martiqaadkeeda Wasiirka Dib U Dajinta JSL. Mudane Cali Siciid Raygal ayaa waxa ka soo qaybgalay haldoorka waxgaradka, Cuqaasha, Siyaasiyiinta, Dhalinyarta, Haweenka, Abwaanada aqoonyahanka, xildhibaanada beesha Yoonis Adaraxmaan, qurba jooga iyo Tijaarta Beesha madasha oo ahayd Madal ilyartu isqabatay ayaa waxa si diiran oo culus laysku faray ka qayb-qaadashada diwaangalinta dhawaan laga filaayo In Gobolada Saraar iyo Sool Ka Qabsoonto kulankan Ayaa Lagu Xoojiyey Sidiiguud ahaan loo muujin lahaa Cududa gobolka Saraar iyo Cududa bulsho ee reer yoonis guud ahaan.Beesha Reer yoonis oo badi degta Gobolka Saraar, Saaxil, Togdheer Sool iyo gobolka Maroodi jeex oo munaasibadan maanta lagu qabatay.






Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiiro ka tirsan golaha wasiirada Xukuumada Kulmiye iyo siyaasiyiin kale oo Ah haldoor ka soo jeeda beesha reer yoonis, maayir Caasimada Hargeysa, Xildhibaan Caga yare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa, wasiiro xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii daahir riyaale iyo Maxamed X. Cigaal iyo qurba jooga reerka oo ku sugnaa munaasibada qada sharafta ahayd Ayaa Madashaasi Goob joog Ahaa Waxayna Dadkii Halkaasi Ka Soo Qayb Galay Ay Cadeeyen In Beesha Reer Yoonis u hayaan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga Kulmiyetaageero Balaadhan

 

Munaasibada oo ahayd madal aad u agaasinayd ayaa waxa hadalo kaftan iyo duur xul siyaasiya oo togan ka soo kala jeediyay wasiirada, Dib u dajinta Mudane cali siciid Raygal oo ka hadlay sooyaalka taariikhayd iyo xadaarada guunka ah ee Yoonis Adaraxmaan, bulsho iyo dhul ahaan, wasiirada halkaa ka hadlay oo si farshaxanimo leh halkaa hadal kaftan iyo mahad naq ah ka soo jeediyay, wasiirka Beeraha, wasiirka Hawlaha Guud iyo guryaynta, Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Caga yare oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa, Cilmi Jaamac Cawad, Cabdirisaaq Jibriil agaasimaha Maamulka iyo Lacagta wasaarada Tamarta iyo Xaaji Hoos oo ka mid ah qurba jooga xibiga.

 

Munaasibada oo Ay ka soo qayb-galeen Dad aad u tiro badan ayaa waxa soo afmeeray Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Musharaxa Xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadalo mahadnaq ah iyo kaftan siyaasiya halkaa ka soo jeediyay.

 

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hoosta ka xariiqay dadaalada abaabulan ee beesha Guud ahaan ay ilaa imika la’bar bar taagan yihiin xisbiga Kulmiye iyadoo xisbigu oo abaalkaa iyo taageeradaa mugga leh uu ogaan doono imika iyo mar horeba, Waxaanu Ka Mahad Naqay Taageerada Loo Muujiyey.

 

Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxan xibiga midnimada iyo Horumarka ee kulmiye ayaa ilaa imika ah musharaxa kaliya ee saadaashu 99% sheegayso in uu yahay madaxweynaha kaliya ee badalaaya Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS