Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Sheegay In Dalka Laga Xoraynayo Qayb Ka Mid Ah Warbaahinta Balse Waji Kale Leh + Waayo Kuwaasi?

0
Friday 9th September 2016 15:48:18 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Sheegay In Dalka Laga Xoraynayo Qayb Ka Mid Ah Warbaahinta Balse Waji Kale Leh + Waayo Kuwaasi?

    Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Sheegay In Dalka Laga Xoraynayo Qayb Ka Mid Ah Warbaahinta Balse Waji Kale Leh + Waayo Kuwaasi?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Sheegay In Dalka Laga Xoraynayo Qayb Ka Mid Ah Warbaahinta Balse Waji Kale Leh + Waayo Kuwaasi?


Hargaysa (KNN) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa markii u horaysay si kulul uga hadlay dhalinyaro ku hafatay badwaynta saxaafadda isla markaana kala garan waayey xaqooda iyo xaqa muwaadinka


Ugu Horayn Maxamuud Xaashi si cilmayaysan waxa uu uga hadlay dhaleecaynta, cayda iyo aflagaadada loo jeediyo Madaxda qaranka oo ugu horeeyey Madaxweynuhu wasiirku waxa uu si aftahanimo ah u shegay in cayda ay dulqaad u leyihin balse aan la aqbalayn in qaranka waxyeelo la gaadhsiiyo. "cayda Madaxweynaha qaranku waa u samrayaa maalin walba isaga oo xushmad leh oo haybadii qaranka xanbaarsan waxaa la caayaa marwadiisa waxa la caayaa masuuliyiinta wasiirada maalin walba waa la caayaa dul baanu u leenahay toosinta dhaliisha intaba waan ogolnahay hase yeeshee in qarankan la magac rido la maamuus tiro aqbali mayno".



Sidoo kale Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in warbaahinta madaxa banaan aan looga dulqaadanayn wax aanay xaq u lahayn waxaana uu yidhi. "Warbaahinta madaxa banaan xor uma aha madaxbanaanida la sheegayaa ma aha in cida uu doono caayo walaalayaal uma haysto fasax wuxuu u madax banaan yahay in aan la cabudhin iyo in warar xaqiiqo ah bandhigo in uu warar dhab ah soo saaro ayuu u madax banaan yahay ee uma madax banaana in uu xurmada iyo haybada iyo maamuuska muwaadiniinta qarankan hadido oo uu dhulka jiido uma haysto qof u haystaa ma jiro qaanuunka ayaa qabanaya maxkamad ayaa lala tiigsanayaa sifo sharciya ayaa wax looga qabanayaa maaha sifo aan sharci ahayn in wax lagaga qabto".
Ugu danbayn Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in dalka laga xoraynayo qalinka ay sitaan qab qab layaasha warbaahinta. "dalkan hore waxa looga xoreeyey qori qalin wiil mudakar sitana waan ka xoraynaynaa wadankan waan ka xoraynaynaa waanu isku kalsoonahay maaha hanjabaad waxaanu u maraynaa dariiq shaciya".

Karin News
Hargaysa Office





Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS