10 Arrimood Iyo Xaqiiqooyin Layaab Leh Oo Aanay Dunidu Ka War Qabin Oo Ay Leedahay Qaaradda Afrika.

0
Thursday 29th September 2016 11:48:15 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Arrimood Iyo Xaqiiqooyin Layaab Leh Oo Aanay Dunidu Ka War Qabin Oo Ay Leedahay Qaaradda Afrika.

    Qof kasta oo innaga mid ahi marka uu maqlo ama dhegtiisa ay ku soo dhacdo magaca Afrika waxa uu xasuustaa qaarad dadkeedu yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof kasta oo innaga mid ahi marka uu maqlo ama dhegtiisa ay ku soo dhacdo magaca Afrika waxa uu xasuustaa qaarad dadkeedu yihiin


kuwo la dhibaataysan Faqri iyo saboolnimo ba’an, gaajo iyo cunto la’aan, dagaalo iyo iska hor imaadyo qabali ah, khayraad aan laga faa’iidaysan, aqoon darro iyo jahli ba’an, cudurro iyo dhibaatooyin caafimaad, tahriib iyo qaxootinimo balse waxa aan qormadan kooban ku eegi doonaa arrimo kuwaasi oo dhan ka duwan iyo waji kale oo ay qaaraddan doogga ahi leedahay. In badan shucuubta adduunka ee kale iyo xataa dadka Afrikaanka ahi aad ugama dheragsana macluumaadka dhabta ah iyo xaqiiqooyinka rasmiga ah ee qaaraddan iyo arrimo badan oo ay leedahay oo wanaagsan. Akhristow ma og tahay in Qaaradda Afrika tahay qaaraddii ugu horraysay ee laga hir galiyo jaamacad casri ah oo lagu barto waxbarashada oo leh nidaam waxbarasho oo habaysan?, Qormadan xambaarsan macluumaadka ayaan ku eegi doonaa 10 xaqiiqo ama arrimood oo qaaradda Afrika leedahay oo aanay dadka adduunka ku nool ka war qabin xataa dad badan oo Afrika lafteeda ku nooli aanay ka war qabin. Waxaanay kala yihiin:



1. Akhristow, ma og tahay in masaaxadda iyo bedka ay ku fadhido qaaradda Afrika ay ka weyn tahay bedka ay ku fadhiyaan dalalka Maraykanka, India iyo Shiinaha oo la isku daray.
2. Ma Og Tahay in tirada dadka ku nool qaaradda Afrika kor u dhaaftay Hal Milyaar oo qof oo ay noqotay qaaradda ugu korriinka badan dhinaca tirada iyo taranka aadamaha oo ay ku hadlaan in ka badan 1500 oo luuqadood oo kala duwan.
3. Ma Ogtahay in Diinta Islaamku tahay tan ugu korriin badan uguna faafitaanka badan dhammaan diimaha lagaga dhaqmo qaaradda Afrika ee ay dadkeedu aamminsan yihiin halka ay kaalinta labaad ka soo galayso diinta Kiristaanku.
4. Ma Ogtahay Akhristow in qaaradda Afrika maalin walba lagu dilo celcelis ahaan in ka badan 96 Maroodi maalin kasta iyada oo ujeedadu tahay ka ganacsiga sharci darrada ah ee Foolkiisa.


5. Ma Ogtahay Akhristow in dalka dhinaca dakhliga qofka soo gala ugu sarreeyaa qaaradda Afrika maalintii uu yahay waddanka Koonfur Afrika. Waxaana guud ahaan dalkaasi celcelis ahaan sannadkii dadkiisa soo gala in ka badan 182 Milyaar oo dollar.
6. Qaaradda Afrika waxa laga helaa keydka ugu badan dahabka adduunka.
7. Tirada dadka ku hadla luuqadda Afka Faransiiska ee qaaradda Afrika waxa ay ka badan yihiin tirada dadka ku hadla Faransiiska ee ku nool dalkooda Faransiiska Laftiisa.


8. Xayawaanka adduunka ugu xajmi weyn ama ugu weyn dhumuc ahaan iyo xayawaanka adduunka ugu dheer dherer ahaani waxa ay labadooduba ku nool yihiin Qaaradda Afrika waana Maroodiga Midabkiisu boorka yahay ee loo yaqaano Maroodiga Afrika iyo Halgariga qoorta dheer.
9. Jaamacadda Qayrawaan Ee Dalka Morocco in ay tahay Jaamacadda Adduunka ugu faca weyn halka jaamacadda Al Azhar ee Masar ku taallaa ka tahay jaamacadda labaad ee adduunka ugu horraysay waxaanay labadooduba ku yaallaan qaaradda Afrika. Waa jaamacadihii ugu horreeyey ee nidaam waxbarasho oo aasaasi ah oo nidaamsan laga qaato adduunka oo dhan intii uu jiray.


10. Keydka ugu badan macdanta Dheemanta (Diamond) loo yaqaano ee adduunka ugu qaalisan macdanahiisu waxa uu yahay keydka ku duuggan qaaradda Afrika.

Xigasho Foore


Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS