Wax badan ka ogaw dhibaatada muhaajiriinta dalka sucuudiga iyo noloshooda caadiga ah warbixintan ayaa iftiimin doonta waxbadan

0
Tuesday 4th October 2016 12:14:04 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax badan ka ogaw dhibaatada muhaajiriinta dalka sucuudiga iyo noloshooda caadiga ah warbixintan ayaa iftiimin doonta waxbadan

    Wax badan ka ogaw dhibaatada muhaajiriinta dalka sucuudiga iyo noloshooda caadiga ah warbixintan ayaa iftiimin doonta waxbadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax badan ka ogaw dhibaatada muhaajiriinta dalka sucuudiga iyo noloshooda caadiga ah warbixintan ayaa iftiimin doonta waxbadan
Dalka boqor tooyada sucuudiga ayaa ah dal dhaqaale ahaan sareeya
Hogaanka dalkaas ayaa ku dhisan qaabka dhaxal wareega oo ah hal qoys oo lagu magacaabo (alsaud family)
Waa hab boqor tooyo oo xoog badan
Dalka suciidiga dad ahaan ma badna dadka dalkaasi marka labo loo qaybiyo qayb ayaa ah muhaajiriin ka kala yimi wadamo kale

Awooda dalkaas ayaa ah mid xoogan oo ah in aanad afkaaga furin wax kasta oo yimaada
Dadka muhaajiriinta ah ee ku nool sucuudiga oo ay soomalida ka mid tahay waxa ay la kulmaan xad gudubyo badan oo bani aadamnimo
Somalida ku nool dalkaasi ayaa lagu qiyaasa tiro dhawr milyan ah oo badan koodu aanay haysan sharci degenaasho waxayna u badan yihiin muruq maal iyo kuwo ku awood gabay dalkaasi
Dadka somalida marka aad la sheekaysato waxay kuu sheegayaan in nolosha wadanku aanay fiicnayn
Somalida soo gaadha wadanka sucuudiga ayaa soo mara wadanka jabuuti iyagoo uga soo gudba wadanka yaman si ay u gaadhaan wadanka cagaaran ee baahida ka caagan ee sucuudiga
Balse xuquuq ahaan aad u hooseeya
Sharciga dalkaasi ayaa dhigaya in muwaadinka uu leeyahay mudnaanta koobaad
Kadib markii boqor kii geer yooday ee (boqor abdalaha binu abdulaziz alsaud)
Waxa uu sii dardaarmay in qofka muhaajirka ah ee qof muwaadina gacan u qaada in uu mutaysan doono ciqaab iyo masaafurin


Hadii muwaadinku kaa gar daran yahay gacan uma qaadi kartid
Arinkaas ayaa qayb ka noqday dhibta ay la kulmaan dadka ajaanibka ah ee ku nool dalkaasi
Muwaadiniinta sucuudiga ayaa ah kuwo gees maray nimcada iyo waxa uu ilaahay ku manaystay ee nimco ah
Dalkan oo baaxada dhulkiisu ay ka wayn tahay labo wadan oo carbeed ayaa ku qani ah saliida iyo batroolka qeedhin

Dhulka marka sadex loo qaybiyo meel ayaa ah ceelal saliid iyo batrool

Dhibka ay la kulmaan haweenka ayaa ah in carabta ay u shaqeeyaan u diidaan caqii ay ugu shaqaynayeen iyago ugu dara jidh dil xadhig iyo tacadiyo kale
Arinkaas ayaa fursad u siiyay haweenka inay si aan ka fiirsi laahyn u guursadaan si ay uga badbaadaan carab loo shaqeeyo

War bixintan ayaa ah qaybtii koobaad ee qoraalka
Aan ka qornay qaab nololeedka muhaajiriinta dalka sucuudiga

W/hasan saynabo
Riyad saudi arabia

Warbaahinta Karinews.com
LATEST NEWS