Su,aalo Ka Dhashay Xilka Lagu Soo Xero Galiyey Xubnihii KULMIYE Ka Dudey Iyo Weydiimaha Is Barkan Ee Dabayaal Sidey Iskula Jaan Qaadayaan Nusdambeedka WADDANI Iyo Huwanta Isbahaysigu?

0
Friday 7th October 2016 22:22:28 in Wararkii Maanta by
  • Visits: 860
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su,aalo Ka Dhashay Xilka Lagu Soo Xero Galiyey Xubnihii KULMIYE Ka Dudey Iyo Weydiimaha Is Barkan Ee Dabayaal Sidey Iskula Jaan Qaadayaan Nusdambeedka WADDANI Iyo Huwanta Isbahaysigu?

    Su,aalo Ka Dhashay Xilka Lagu Soo Xero Galiyey Xubnihii KULMIYE Ka Dudey Iyo Weydiimaha Is Barkan Ee Dabayaal Sidey Iskula Jaan Qaadayaan Nusdambeedka WADDANI Iyo Huwanta Isbahaysigu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su,aalo Ka Dhashay Xilka Lagu Soo Xero Galiyey Xubnihii KULMIYE Ka Dudey Iyo Weydiimaha Is Barkan Ee Dabayaal Sidey Iskula Jaan Qaadayaan Nusdambeedka WADDANI Iyo Huwanta Isbahaysigu

Xirsi Iyo Xubnihii Xirsi Jacaylka Xilalkooda U Sadqeeyey Oo Heeryada dhigtay Xisbiga WADDANI Xubnahan Iyo Xisbiga Waddani ayaa si Wada jir ah Ushaaciyey inay is afgarad wanaagsani dhex maray waxaaney xilal ku cusub saaxada siyaasada SOMALILAND Ku Soo xero galiyeen Siyaasiyiin Hankoodu Ku Shareernaa Madaxweyne Balse Markii Dambe Qaatay Mansab waraabo Utaaga Halka kuwo kalena ay Noqdeen Dhexmarayaal Aan Muuqan. Siyaasiyiintan Saldhigtay Xisbiga Waddani ayaan qaarkood la Shaacin Xilalka Lagu Qanciyey Inay Baradda WADDANI Kaga Mid ahaadaan waxse cad uun in Horjooge Hankiisa la Saqiiriyey La Siiyey Xil Bulshada Tashuush badan ku Furey Oo Ay Is weydiintiisu Noqotay Halka uu Ku Calaamadsan Yahay iyo Awooda Uu Leeyahay Maadaama xisbiga ay Joogaan Guddoomiyihii Xisbiga, Guddoomiyihii labaad Gudoomiyihii Saddexaad Kii Afraad Iyo Musharaxii Madaxweyne Tan iyo Markii la Bilaabaya Qabanqabaada shirweynihii Shanaad ee Xisbul Xaakiimka Kulmiye Dabayaqadii sanadkii Hore, waxaa jiray siyaasiyiin badan oo ka Tirsan Xisbiga Kulmiye oo cabashooyin ka Muujinayay Nidaamka loo waddo qabanqabada shirweynaha shanaad ee Xisbigaas, ee Lagu Cumaamaday Musharaxa Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Cabdi, iyada oo arrintaasi sababatay inay xilka iska Tagaan Xubno kamid Golaha Wasiirada, Tan iyo xilligaan waxa xubnahaas isku Magacabeen Isbahaysiga Isbedel doonka ah ee Xisbiga Kulmiye, waxaanay wadahadalo la fureen xisbiyada mucaaridka ah Somaliland ee Ucid iyo Waddani, waxaanay Wadahadal dheer si toos ah ula galeen xisbiga Mucaaridka ah ee waddani oo muddo badan ay ku Jireen dooda la xidhiidha Xilalka iyo Mansabyada ay kooxda isbahaysigu ka qaban doonan Xisbiga Waddani dhexdiisa marka ay ku biiran, xisbigan, waxaanay shirdoceedyo dheer ku yesheen huteelada Magaalada hargeysa, horaanti bishan ayaa Magaalada Hargeysa iskugu soo biyo shubteen siyaasiyiinta kooxda Isbahaysiga oo ku kala sugna Dalalka Dibada marka laga reebo xubnaha ku jiray wadahadalka Xisbiga waddani Iyaga Galay Wejigii Ugu dambeeyay ee wadahadalka kooxda isbahaysiga, Wakhti dheer Kadib Maalinti shalay oo ku beegnayd 5/10/2016 Cabaro 12;15 waxay isbahaysiga xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani kaso faraxasheen wadahadalkii ugu dambeeyay ee kooxdaas, iyo Xisbiga, waxaanay Saxaafada ushegeen halka uu ku dambeeyay wadahadalkii Mudada dheer qaatay, Afhayeenka Kooxda Isbahaysiga Xuseen Axmed Caydiid, oo ku hadlayaay afka magaca kooxda isbahaysiga ayaa sharaxaay Go,aanka kooxdiisa isbahaysiga eek u Adaan wadahadalka Xisbiga Waddani waxaana uu Yidhi ‘’ Dadaal dheer kadib iyo wadahadal dheer kadib waxaa maanta lasoo gadhaay in la Gaadho heshiis Rasmiya waxaanay dhumucdiisu tahay in Garabkii Isbahaysiga Kulmiye uu si Rasmiya ugu biiro Xisbiga Waddani waxaanu Marka Dhamaan xubinihii uga wakiilka ahayn wadahadalada ee Ah garabkii Isbahaysiga ee Xisbiga Kulmiye iyo Tageerayashooda iyo dhamaanba Umada reer Somaliland usheegayna in garabkaasi si Rasmiya ula midoobay xisbiga Waddani, Laga bilaabo maantana ma Nihiin Kulmiye ‘’ ayuu yidhi afhayeenka Kooxda isbahaysiga kulmiye Xuseen Axmed Caydiid.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah waddani C/rashiid Xasan oo ku hadlayay afka xisbiga waddani ayaa isna dhamaadka wadahadalada kooxda isbahaysiga ku tilmaamay Guul usoo hoyatay xisbiga Waddani waxaana uu yidhi ‘’ Waxaa ay maanta oo bishu tahay 5/10/2016 soo gabgaboobay oo gadhaay Gunaanadkeedi wadahadal socday muddo dheer oo udhexeeyay Garabka isbedel doonka Xisbiga Kulmiye iyo xisbiga waddani waxaa ilahay mahadiya in la gaadho guusha ah is afgarad ‘’ ayuu isna yidhi Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka h ee Waddani.

Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi(Cirro) oo isna warbaahinta la hadlaayay ayaa si weyn usoo dhaweeyay siyaasiyiinta kuso biiray xisbiga waddani, waxaanu ku tilmaamay guul usoo hoyatay guud ahaan Xisbiga Wadani ‘’ waxaa socday muddo wadahadal usocday xisbiga Waddani iyo kooxda Isbahaysiga Kulmiye ooh ore uu ahaa madax ka Tirsanaa xukuumada Somaliland waxaa lagu heshiiyay su guud tafaashiduna iman doono xilli ku haboon intii maanta loogu talagalay Saxaafada ayaa maanta laga sheegay laakiin waa laga heshiiyay Saamiqeybsiga, waa laga heshiiyay mabdiida Guud, Axadana lasoo bandhigi doona hadii alle ka dhigo ‘’

Gebgebdii siyaasiyiinta kooxda ayaa ku abshiiray Mansabyo gudoomiyaha Xisbiga waddani uga calaamadiyay gudaha xisbigaas, waxaana Maalinta Axada lagu qaabili doono Xaflada soo dhaweynta siyaasiyiinta, waxaanay jira sidoo kale siyaasiyiin ka Tirsana kooxda isbahaysiga oo dib ugu laabtay Ardaaga Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxaana kamid Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo C/waxiid,iyo xubno kale oo dhamaantood dib ugu laabtay Hoyga Xis

biga Kulmiye.


LATEST NEWS