Shirkii Xisbiyada Ku Bohoobay Socialist International oo lasoo gabogabeeyay + Somaliland Oo Ka Soo Qeyb Gashay

0
10 October 2016 06:45 in Wararkii Maanta by
  • Visits: 427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Xisbiyada Ku Bohoobay Socialist International oo lasoo gabogabeeyay + Somaliland Oo Ka Soo Qeyb Gashay

    Shirkii Xisbiyada Ku Bohoobay Socialist International ee lagu Magaalada Accra oo lasoo gabogabeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii Xisbiyada Ku Bohoobay Socialist International ee lagu Magaalada Accra oo lasoo gabogabeeyay.


Ururka ay ku bohoobeen Xisbiyada Socialist-ka ee Magaciisu loogu yeedho Socialist International oo shirkiisii sanadlaha ahaa Sanadkan ku qabsaday Magaalo Madaxda Dalka Ghana ee Accra ayaa lasoo gabogabeeyay,iyada oo sanadkan ay ka qayb galeen Waddamo badan oo ka mid ah Dalalka Qaraadda Afrika, Qaar ka mid ah Dalalka Yurub.

Madaxweynaha Dalka Ghana oo Dalkiisu shirka marti galiyay iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga talada haya ee Magaciisa loosoo Gaabiyo NDC ayaa ka qayb galay,waxa kale oo isna ku sugnaa Wasiirka Caafimaadka iyo arimaha Deegaanka Dalka Koonfurta Afrika iyo Masuuliyiin kale oo tirto badan.

Mustafe Ibraahim oo ah Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Ucid isla Markaana ka mid ah Guddida

Ictiraaf Raadinta Somaliland ee UK ayaa Sharaxaad ka Bixiyay,waxyaabihii uu daranaa shirka Sanadlaha ah ee Ururka Socialist International ee kusoo gabo gaboobay Magaalada Accra.

Xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Ucid,waxa uu sheegay in sharkani arimaha ugu waaweyn ee lagaga hadlay ay ahaayeen sidii looxoojinlahaa Diqmuqaraadiyadda Dalalka Afrika,shaqo abuur,kor uqaadida iyo tayaynta adeega bulshada,sida Caafimaadka Waxbarashada iyo Kobcinta dhaqaalaha.

Musta Ibraahim(Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Ucid),oo aanu waydiinay bal waxa shirka la takeen maadaama ay Somaliland ka socdeen,waxa uu tilmaamay in ay si waafiya oo faahfaahsan usoo bandhigeen marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay,haday noqoto dhinaca Dimuqraddiaydda,Dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee Bulshada.

Si kasataba ha ahaatee waa Muhiib in markasata Shirarka noocan oo kale ay joogtaa cid Somaliland ku matashaa, waxana ay Xoojinaysaa Xidhiidhka Caalamka ay Somaliland la leedahay.



LATEST NEWS