Hal-door Barkhad Oo Reer WADDANI Toos Ugu Sheegeen Inuu Yahay Laan-gaab Aan Cod Keeni Karin + Cunsuriyaddii Ugu Xumayd Oo Ku Bilaabantay + Garabkii TOOSINTA WADDANI Oo Uu Ku Biirayo

0
Wednesday 12th October 2016 11:09:35 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 2814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-door Barkhad Oo Reer WADDANI Toos Ugu Sheegeen Inuu Yahay Laan-gaab Aan Cod Keeni Karin + Cunsuriyaddii Ugu Xumayd Oo Ku Bilaabantay + Garabkii TOOSINTA WADDANI Oo Uu Ku Biirayo

    Hal-door Barkhad Oo Reer WADDANI Toos Ugu Sheegeen Inuu Yahay Laan-gaab Aan Cod Keeni Karin + Cunsuriyaddii Ugu Xumayd Oo Ku Bilaabantay + Garabkii TOOSINTA WADDANI Oo Uu Ku Biirayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal-door Barkhad Oo Reer WADDANI Toos Ugu Sheegeen Inuu Yahay Laan-gaab Aan Cod Keeni Karin + Cunsuriyaddii Ugu Xumayd Oo Ku Bilaabantay + Garabkii TOOSINTA WADDANI Oo Uu Ku Biirayo





Hargaysa (KNN) Hogaanka Waddani ee guddoomiye Cirro iyo Mohamed Fadal iyo sidoo kale nusdambeedka waddani Siciid Sulub iyo maxamed nuur caraale duur ayaa go'aan adag oo lama taabtan ah waxay ku siiyeen cunsuriyadayntii ugu darnayd taas oo ah in haldoor barkhad oo ka soo jeeda beelaha gabooye isla markaana isku soo sharaxay xilka murrashax ku xigeenka waddani isla markaana dhalinyaro badan iyo taageerayaal mug iyo miisaan lah hal mar u kaceen haldoor barkhad dhawaaqiisa ku aadan inuu yahay murrashax ku xigeen.


Nasiib xumo may dhicin in loo meel mariyo go'aankii uu haldoor barkhad ku shaaciyay ee ahaa inuu yahay murrashax ku xigeen hase yeeshe waxaa halodoonka runta iyo xaqiiqada u sheegay mus-dambeedka WADDANI kuna yidhi'' reer yar baad ka soo jeedaa wakhtigana laguuma baahna ee dhulka cagaha ku hay, sidoo kalena siciid sulub u sii raaciyay adeer iska naso, codbaa la rabaaye reerkiinu cod ma lahee''


Dhinaca kalena maalintii maansoor xafladda uu waddani ugu qabanayay hadhaagii kulmiye ayaa hal-door barkhad la dhex fadhiisiyay haweenka dhexdooda oo u dhignayd sida loo yasay iyo sida aan loo rabin qabiilkiisa uu waddani cunsuriyadda dadban ku hayo,in kastoo barkhad ay wajigiisa ka muuqatay shucuur iyo dareen aan waligii lagu arag waxaana markhaati ma doon kuugu filan sawiradan xaga hoose aad ka daawan karto.


Ugu dambeyntii xisbiga waddani iyo mus-dambeedkiisa ayaa garan wayay inay ka faa'ideystaan hal-door barkhad oo run ahaantii haysta taageerada beeshiisa iyo sidoo kale dhalinyarada somaliland oo si toos ah farta ugu taagay inay u codeyn doonaan haldoor barkhad haddii uu murrashaxa ku xigeen ka noqdo gudaha waddani laakiinse may dhicin, balse waxaa la filayaa in haldoor barkhad uu ka daba tagi doono Garabkii TOOSINTA WADDANI ee maalintii darraad ahayd ka hilaacay gudaha waddani .



Karin News
Hargaysa







Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS