Cali Guray Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay WADDANI Iyo Hadhaagii Kulmiye Dhibaatada Ay Isku Keeni Karaan Iyo Halka Balaayada Cusub Ka Iman Karto

0
Wednesday 12th October 2016 11:43:47 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay WADDANI Iyo Hadhaagii Kulmiye Dhibaatada Ay Isku Keeni Karaan Iyo Halka Balaayada Cusub Ka Iman Karto

    Cali Guray Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay WADDANI Iyo Hadhaagii Kulmiye Dhibaatada Ay Isku Keeni Karaan Iyo Halka Balaayada Cusub Ka Iman Karto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Guray Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay WADDANI Iyo Hadhaagii Kulmiye Dhibaatada Ay Isku Keeni Karaan Iyo Halka Balaayada Cusub Ka Iman Karto



Hargaysa (KNN) Siyaasi mujaahid cali yuusuf ( cali guray ) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadhaaga kulmiye ee ku biiray waddani waxaana uu siyaasigu farta ku fiiqay meelaha faraha badan ee uu waddani ilaaway iyo dhibaatada xisbiga waddani halka ugu horeysa ee ay ka curanayso .

Siyaasiga ayaa hadalkiisa waxaa rumeeyey garabka cusub ee TOOSINTA WADDANI oo si toos ah u shaaciyay inay la magac baxeen GARABKA TOOSINTA XISBIGA WADDANI, waana dhibaatooyinka laga dhaxli karo ku biirista hadhaaga iyo waddani isku biireen oo siyaasi cali guray ka hadlay hadda.


Waxaana uu yidhi cali guray ''Shaxda gudaha WADDANI baa haysta. Loogu tegi maayo kolay wakhtigan xaadirka ah. Balse waxad moodaa in wax badan oo gudaha iyo debedda ah in aanay xisaabta ku darsan mar hadii Garabkii 'Kulmiye ku biiray UCIDna tirada ka baxay sida ay is leeyihiin''

Siyaasi cali guray oo hadalkiisa sii wata ayaa sii raaciyay ''Ma arkaan waxa hareerahooda iyo gadaashooda ka iman kara iyo inta talootin aanay iyagu xisaabta ku darsanayn suurtogal noqon kara ee iyaga ku noqon kara "af-ka-la-qaad"

Sidoo kale waxaa laga reebay tartankii murrashax ku xigeenka waddani hal-door barkhad oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee gabooyaha in kastoo hal-doorku haystay taageerayal badan iyo dhalinyarada somaliland oo u riyaaqday markii barkhad shaaciyay inuu yahay murrashax u tar tamaya jagada ku xigeenka waddani balse waxaa ka daba yimi mus-dambeedka waddani oo siciid sulub maxamed nuur caraale duur oo iyagu go'aanada xisbiga waddani u dhiiba guddoomiye cirro .

Saadaasha siyaasadda waddani ayaa wakhtigan lagu tilmaamayaa mid hogmadaw ku dhacday ka dib markii xirsi uu guddoomiye cirro shardi kula galay codka beelaha habar jeclo in kastoo markii u horeysay uu guddoomiye cirro beelaha arab ugu balan qaaday wakhti aanu haysan dad iyo siyaasiyiin miisan leh balse waxaa laga war sugaya sida uu ka yeelo beelaha arab oo hunguri ka hayo waddani in lagu wareejiyo laakin ay dabayshii waddani badashay himiladii beelaha arab laabta ku hayeen oo noqotay mid xirsi kaga daba yimi xisbiga waddani.


Karin News



Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS