W.Ku Xigeenka Gaashaan Dhigga Iyo Difaaca Qaranka Oo Sheegay In Magdhawgii Hantida Deegaankii Dagaalku Ka Dhacay Dawladdu Gaadhsiiyay Dadkii Deegaanka

0
14 October 2016 11:17 in Wararkii Maanta by Head Office
  • Visits: 2856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    W.Ku Xigeenka Gaashaan Dhigga Iyo Difaaca Qaranka Oo Sheegay In Magdhawgii Hantida Deegaankii Dagaalku Ka Dhacay Dawladdu Gaadhsiiyay Dadkii Deegaanka

    W.Ku Xigeenka Gaashaan Dhigga Iyo Difaaca Qaranka Oo Sheegay In Magdhawgii Hantida Deegaankii Dagaalku Ka Dhacay Dawladdu Gaadhsiiyay Dadkii Deegaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W.Ku Xigeenka Gaashaan Dhigga Iyo Difaaca Qaranka Oo Sheegay In Magdhawgii Hantida Deegaankii Dagaalku Ka Dhacay Dawladdu Gaadhsiiyay Dadkii Deegaanka




Ceelaf-wayn (KNN) Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Maxamud warsame jaamac oo hada ku sugan Deegaanka Dogoble ayaa u sheegay Warbaahinta Karin News in shalay galabtii ay gaadhsiiyeen magdhawgii hantida Dogoble uga dhisnayd dadkii deegaankaas.
Iyadoo xukuumadu hore u balanqaaday inay bixiso isla markaana Gebi ahaanba dumiso Tuulada Dogoble, ayaa wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Maxamud warsame jaamac wuxu cadeeyay in xukuumada madaxweyne Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo Ay ka Go'an tahay in Nabad buuxda iyo xal waara dadka deegaankaasi ku waaraan.


Sidoo kalena xukuumadda madaxweyne silaanyo oo Lexo jeclo ay ka hayso shacabkeeda deegaankaas degan awgii magdhawgii abid ugu weynaa ee dad loogu bedelo hantigooda ku bixisay deegaankaas iyadoo xukuumadu ka Duulaysa muhiimada Nabad gelyadu u leedahay qarankan isla markaana ay ku xaliso shaqaaqadii halkaa ka dhacday halka ciidamada qalabka sidaa halkaasna u joogaan sidii nabada loo xoojin lahaa .

Wefti wasiiro ah ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay deegaankaa u joogay iyadoo hada xaaladu meel fiican marayso xukuumaduna fulisay balanqaadkii ahaa inay hantigaa bixiso hada wixii ka Danbeeya waxay xukuumadu fulinaysa Go'aamadii ay hore ugu dhawaaqday iyadoo maalinta Sabtida la Dumin Doono Gebi ahaanba Degaanada DOGOBLE BACAHA IYO ISKU-KUF .
Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Maxamud warsame wuxuu digniin u diray dadka deegaankaa inay maalinta uga hadhay waqtigii duminta ka diyaar garoobaan isagoo ku hambalyeeyay sida fiican ee ay hantigoodii u qaateen uguna hogaansameen Go'aamadii xukuumada waxa kale oo uu bogaadiyay wasiirku ciidamada qaranka ee aagaas ku sugan .
Dhanka kale wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Maxamud warsame wuxuu sheegay in dad Sun ka wada deegaankaa ay ku sugan yihiin magaalooyinka s / land iyo debada kuwaas oo guryo quraarada ku jira ogayna xaalada deegaan iyo dad ee hurinaya colaad iyagoo guryahooda jooga waxaana uu yidhi '' waxaan leeyahay halkan Dogoble iyo deeganadan ceelaf-weyn xukuumada ayaa gacanta ku haysa dadka wa laysugu ariminayaa ee la kala eryi maayo nabad baana Deeqda dadkan ee colaada iyo cunfiga Aydin ku cartaminaysaan joojiya''


Karin News
LATEST NEWS