"MUUSE BIIXI Laba Jeer buu Mujaahid Yahay oo mar waa Darwiish, Marna waa SNM, Innagana waxa la Inaga Rabaa…"W.Xaglo-toosiye

0
Saturday 15th October 2016 08:00:00 in Wararkii Maanta by Xarunta Dhexe
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "MUUSE BIIXI Laba Jeer buu Mujaahid Yahay oo mar waa Darwiish, Marna waa SNM, Innagana waxa la Inaga Rabaa…"W.Xaglo-toosiye

    "MUUSE BIIXI Laba Jeer buu Mujaahid Yahay oo mar waa Darwiish, Marna waa SNM, Innagana waxa la Inaga Rabaa…"W.Xaglo-toosiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"MUUSE BIIXI Laba Jeer buu Mujaahid Yahay oo mar waa Darwiish, Marna waa SNM, Innagana waxa la Inaga Rabaa…"W.Xaglo-toosiye



London (KNN)- Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa si weyn u amaanay shakhsiyadda iyo taariikhda uu leeyahay murrashaxa xisbgia KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxanauu tilmaamay inuu yahay qof mudan inuu dalkan hogaamiyo.



Wasiir Xaglo-toosiye oo hadal u jeediyey bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol oo xaflad soo dhawayn ah u sameeyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in guddoomiye Muuse Biixi yahay shakhsi taariikhdii daraawiishta ku sifaysan, isaga oo halgankii daraawiishtana ku tilmaamay halgan ay galeen dad reer Somaliland ahaa, "Muuse Biixi annaga xagayagaya qoladayada bari Darwiish buu ka qoran yahay, daraawiishtuna waa halgamayaal reer Somaliland, marka heesta calanka la qaadayo-na qolada u sadqaysay nafta qolada SNM-ta uun ha moodinee daraawiish baa ka horraysay, waana siyaasiga keliya ee Somaliland ee aan anigu arkay ee inta badan ka hadla Daraawiishtii,” ayuu yidhi wasiir Xaglo-toosiye.




Saleebaan Xaglo-toosiye oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu guddoomiye Muuse Biixi taariikh SNM iyo middii SNM-ba leeyahay, waxaana uu bulshada ka codsaday inay u guntadaan sidii uu xisbiga KULMIYE u guulaysan lahaa, waxaanu yidhi, "Muuse Biixi laba jeer buu mujaahid yahay oo marna waa Darwiish, marna waa SNM, innagana waxa la inaga rabaa sidii uu xisbiga KULMIYE u guulaysan lahaa, madaxweynihiina wuu inoo muuqdaa, laakiin dedaal baynu u baahanahay.”
Wasiirku waxa uu shacabka gudaha iyo kuwa dibaddaba ku guubaabiyey inay garab-istaagaan xisbiga KULMIYE si uu mar labaad u hoggaamin lahaa dalka oo uu horumar u gaadhsiin lahaa.

Karin News
London


Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS