Nolosha degaanku waa nolosha dadka

0
Wednesday 2nd November 2016 12:53:08 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nolosha degaanku waa nolosha dadka

    Nolosha degaanku waa nolosha dadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nolosha degaanku waa nolosha dadka

Qarniyadii hore dhulkeennu wax uu ahaa dalsan iyo ugbaad dhirta iyo daaqa hodan ku ah. Sababtaas buu nooluhu dad, duunyo iyo duurjoogba u gu tanaaday. Laakiin bulshada iyo xoolaheeduba aad ayay u ga tiro yaraayeen inta ay maanta yihiin. Sababtaa darteed in kasta oo dadku agabka iyo adeegga noloshooda oo dhan degaanka ka la soo bixi jiray, haddana waxyeellada degaanka loo geystaa aad buu koobnaa. Bulshada iyo xoolaha ayaa yaraa, baahiduna waa ay yarayd.

Haddaba waxaa timid bulshadii qarni ka hor halka milyan ahayd maanta in ay soddon malyuun ku dhow dahay, xoolihiina intaas oo jeer tarmeen, baahidii degaanka la ga la soo baxayayna kumannaan goor korodhay, qalabka taa loo adeegsanayaana aad u horumaray, magaalayntuna caqliga ka baxday. Qofku danta uu ku fushanayo halka geed iyo mitirka dhul ahi kumaannaan siyood iyo kumannaan jeer ayay ka badan tahay tii boqol sano hortood.

Bulshada miyiga oo weli aad u badan, alaabada aqalka iyo agabka kale ee qoyska soomaaliyeed degaankiisa ka la soo baxo anigu wax aan ku qiyaasay in ka badan 80 shay, laanta duurka ah ee aloolka iyo yacayga la ga sameeyo, ilaa dhig-qabaxda la ga qodo xididka geedsanka; oodda maqasha ilaa oodda berkedda. Baahida ay magaaladu degaanka ku cunaysaa waa ay ka sii daran tahay ta miyiga, tiirka dhismaha ilaa dhuxulaysiga.

Duruufaha sidaa u waaweyn ee jira iyo baabi’binta degaanka ku dhacday kuna socota oo jira, waa aynnu yeelan kari waynay ilbaxnimo iyo qorshe si uun isu gu soo dhowayn kara isu dheellitirka baahideenna waallida ah iyo nolosha degaankeenna. Dabadeed dhulkeenni wax uu noqday gubad iyo gelgelin. Abaar iyo oodalullul ayaa dabadeed innaga bixi waayay.

Gubadka iyo gelgelinta, abaarta iyo foolxumada ay goor walba indhaheennu qabanayaan wax ay kale oo inoo keentay in caafimaadkeenna nafsiga ah iyo ka duunyadeennu aad u xumaado. Waallida iyo xanuunnada kale ee quluubteenna ka buuxsamay sababta kowaad taas baa u ah, waayo fayoobida nooluhu waa fayoobida degaankiisa, cilmi ahaan.

Haddaba waxaa inna la gudboon mashruuc weyn oo soomaali oo dhani wada gasho oo lagu dejinayo xeerar dhaqameed cusub iyo sharciyo degaanka la gu ilaalinayo. Waa in la yeeshaa dhaqan cusub oo la gu beddelayo habka gaboobay ee aynnu degaankeenna u gu danaysanno. Tusaale ahaan waa in sida u gu weyn u guna dhakhso badan loo joojiyaa alaabada badan ee dhirta la ga sameeyo iyo qalabka badan ee dhismaha loo adeegsado, la guna beddelaa waxyaalaha warshadaysan.

Haddii kale degaankeenna sakaraadka ah daqiiqadda ay naftu ka aguugto ayay innagana innaga aguugaysaa.




Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS