Hordhac: Sporting Lisbon vs Real Madrid – Sporting Oo Qalqal Galin Karta Nolosha Los Blancos Ee Champions League-ga

0
Tuesday 22nd November 2016 07:20:40 in Wararkii Maanta by Xarunta Guud
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Sporting Lisbon vs Real Madrid – Sporting Oo Qalqal Galin Karta Nolosha Los Blancos Ee Champions League-ga

    Hordhac: Sporting Lisbon vs Real Madrid – Sporting Oo Qalqal Galin Karta Nolosha Los Blancos Ee Champions League-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hordhac: Sporting Lisbon vs Real Madrid – Sporting Oo Qalqal Galin Karta Nolosha Los Blancos Ee Champions League-ga  

Sporting Lisbon ayaa kusoo dhaweyneysa gurigeeda kooxda 11-ka jeer heysata koobka Champions League-ga ee Real Madrid kulan ka tirsan wareega group-yada tartankaan waana kulankii 5-aad ee xagaagan.

Sporting waa kooxda sadexaad ee groupka F, halka Madrid ay tahay kooxda labaad ee group-ka waxaana u dhaxeeya kaliya farqi 5-dhibcood, guul ay gaarto Sporting Lisbon caawa waxey shaki galin kartaa usoo bixitaanka Los Blancos ee tartanka madama ay usoo jirsan doonto kaliya 2-dhibcood waxaana kulanka ugu dambeeya ay Madrid la qaadan doontaa Borrusia Dortmund.

sporting

Los Blancos ayaa si dirqi ah ku badisay kulankii labadaan kooxood ee kal hore ka dhacay Santiago Bernabeu markaas oo ay guul heleen daqiiqadii ugu dambeysay ciyaarta, Ronaldo ayaana dib ugu laabanaya gurigiisii hore.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Sporting Lisbon vs Real Madrid

Tartanka: Champions League

Garoonka:Estadio Jose Alvalade, Lisbon.

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD:

Real Madrid waxaa dhaawac kaga maqnaan doona Alvaro Morata iyo Toni Kroos, halka sidoo kale shaki la galinayo iney saftaan Casemiro, Pepe Iyo Ramos oo dhamaantood hormar wacan ka sameeyay dhaawacyadii ay qabeen.

Dhanka kale Sporting Lisbon waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doona afar ka mid ah ciyaartoydeeda waxeyna kala yahiin:Petrovic, Nascimento,Paulista iyoSpalvis.

XAQIIQADA KULANKAAN:

Hal kulan oo ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay kulamada Champions League-ga ku ciyaarta gurigeeda midna kuma dhamaan barbaro, 6-guul iyo 4-guuldaro.

Real Madrid ayaan wax guul ah gaarin labadii kulan ee ugu dambeysay oo ay tartamada yurub booqatay Sporting Lisbon 1994/95 ayey ku lumisay 2-1 kulan ka tirsan UEFA Cup, halka ay 2-2 galeen 2000/01 Champions League group Stage.

Real Madrid waligeed kuma fashilmin iney gool ka dhaliso kooxaha Portugal, 20-jeer oo ay wajahday waxaana ugu dambeysay September sanadkaan markaas oo ay 2-1 kaga badisay Sporting goolal yimid 89 iyo 94 ayeyna kaga badiyeen.

Labadii kulan ee ay banaanka kusoo ciyaartay kulamada Champions League-ga xagaagan Real Madrid waxaa la iska dhaliya 10-gool, (2-2) Dortmund iyo 3-3 Legia Warsaw.

Kaliya Barcelona ayaa dhalisay goolal ka badan Real Madrid xili ciyaareedkaan tartanka Champions League madama ay dhalisay 14-gool, halka Los Blancos ay dhalisay 12-gol.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

SPORTING LISBON:

Patricio, Pereira, Semedo, Coates, Zeegelaar, Carvalho, Silva, Gelson,Cesar, Ruiz, Dost.

REAL MADRID:

Navas, Nacho, Varane, Carvajal, Marcelo, Isco, Kovacic, Modric, Ronaldo, Benzema, Bale.




Sidee U Aragtaa Warbixintan, Ka dhiibo Aragtidaada, Mahadsanid


Fadlan Erayada Aflagaadada iyo Xumaanta ah ka ilaali aragtidaada, Mahadsanid


Halkaan hoose Ku Qor Aragtidaada: Required Field.

  Tip


LATEST NEWS