Talo:-Shaqodoon ma tahay, shaqaale ma tahay , loo shaqeeyana ma tahay Q3aad :-W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
Saturday 26th November, 2016 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo:-Shaqodoon ma tahay, shaqaale ma tahay , loo shaqeeyana ma tahay Q3aad :-W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

    Talo:-Shaqodoon ma tahay, shaqaale ma tahay , loo shaqeeyana ma tahay Q3aad :-W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talo:-Shaqodoon ma tahay, shaqaale ma tahay , loo shaqeeyana ma tahay Q3aad :-W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Qaybtii u dambaysay loo shaqeeye ma tahay?
Hore waxa aynu uga soo hadalnay shaqaalaha iyo shaqo doonka maanta se waxa aan ku xigsiin mawduuca sadexaad ee ah ka ugu dambeeya ee ah LOO SHAQEEYAHA.
Loo shaqeeye waa shirkad, qof ama haayad , urur ama kaas oo qoranaya dad ama qof u hir galiya ama u qabta hawl shaqo , shaqadaasi ha noqoto mid gacanta lagu qabanayo ama mid adeeg la fulinayo.
Loo shaqeeyuhu waa cidkasta oo haw shaqo loo qabanayo ama loo fulinayo kuwaas oo raacaya hanaanka shaqada ee la dajiyay.
Horumarka shaqadu waxay ku xidhan tahay qaabka uu loo shaqeeyuhu ula dhaqmo, u ilaaliyo una daryeelo shaqaalihiisa sidoo kale waxay shaqada iyo horumarkeedu ku xidhan yihiin mushahar siinta shaqaalaha iyo heerka uu gaadhsiisan yahay, Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo mushahar u qalma shaqada uu qabto, sidoo kale shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Xaq, fasax,saacado shaqo oo cayiman waafaqasana xeerarka shaqaalaha ee caalamiga ah, se waddankeena waxa baddan shaqo, la,aanta taasina waxay sababtay isla xisaabtan la,aan se haddan waxa aynu maalin arki doonaa iyada oo nidaamkaasi shaqeeyo sida aynu ognahay Haddii loo shaqeeyuhu noqdo mid ka war haya xaaladaha kala duwan ee la soo darsa shaqaalihiisa kana caawiyo wuxuu helayaa kalsooni shaqaale iyo in shaqaaluhu u shaqeeyaan sida la rabo noqdaana kuwo wax soosaar leh.
Shaqadu waa hawl iyo dhamaystir waxqabad la rabo in horumar laga gaadho.
Waddankeena dayac baddan baa ka jira haddii ay tahay shaqaalaha iyo haddii ay tahay loo shaqeeyaha ,
Waxaad arkaysaa shaqaale baddan oo shaqadii dayacaya , waxaad kaloo arkaysaa loo shaqeeye baddan oo shaqaalihii sidii uu doono ka yeelaya.
Waddanku ma laha xeer shaqo iyo shaqaale haddii uu leeyahayna ma aha mid shaqeeya, waddanku ma laha ururo u ololeeya shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha mana jiro, xeer saxa oo shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha hagaya marka laga reebo xeerar hoosaadka ay samaystaan shirkadaha, ganacsiyada iyo shaqsiyaadkuba.
Shaqaaluhu waxay inta baddan ku kacaan dayac baddan oo aan lagala xisaabtamin, ama aan la ogaynba maxaa yeelay waxa ka dhiman dhaqanka iyo qaabka shaqada, qofkasta oo maanta waddanka jooga markuu qaangaadhey ka dib wuxuu bartay xirfad shaqo, oo aan lahayn dhaqan iyo lexejeclo toona "work ethics”
Tusaale waxaa waddanka la dhisaa dhismayaal fara baddan midkastaaba waxa ku baxa lacag baddan lacagta ku baxda 40% waxa qaata shaqaalaha, 60% waxa ay noqotaa alaabta galaysa Material marka la dhameeyo dhismaha la dhisayo 20% waxa la arkaa dayac ay sameeyeen shaqaalihii ka shaqaynayay maxaa yeelay tusaale ahaan Marmarka marka la keeno waxay u isicmaalaan si sahlan xabadii jabtana waa ay tuuraan, sidoo kale sibidhka waa la diyaariyaa laguma diyaariyo inta ay shaqadu u baahan tahay, waxaa bata inta la diyaariyay isla goobtana waa looga rawaxaa , subaxana mid cusub ayaa la samaystaa.
Biyaha hadalkooda daa, ciida sidoo kale, qalabka laydhka qaarkood waaba la qaataa intaasi in ka baddanba waxay dhacdaa marka shaqo dhismo la waddo.
Taasna waxa sababtay xeer iyo dhaqan ka shaqada oo aan dadkeena la barin.


Waxaas oo dhan waxa sababay waxa kaw ka ah Loo shaqeeyaha oo aan shaqadan loo qabtay aan ku qanacsanayn ama ma jiro tababar shaqo oo la siiyay bilaw oo dhamee unbuu ahaa hadalkii u dambeeyay ee loo sheegaa.
Waxa jira loo shaqeeye baddan oo xaqii iyo xuquuqdii shaqaalaha ku xad gudbay iska mid ay siiyaan oo ay shaqaysteena taana waxa u sii dheer eris joogtaa, iyo cabadhin shaqaale, waxa jira shaqaale baddan oo lagula kaco xad gudubyo ka dhan ah shaqada waxaana kula kaca cida loo shaqayanayo xad gudubyadaas waxa ka mida in aan xaq iyo xuquuqba aan la siin shaqaalaha, wakhti baddan oo ay shaqeeyaa, mushahar yar, eris joogto ah, midab kala sooc, nin jeclaysi, iyo dhibaatooyin baddan oo kale, waa ay jiraan shirkado, ganacsiyo, iyo shaqsiyaad daryeel iyo xaq, xuquuq, mushahar ku filanba siiya shaqaalihiisa se kuwaasi waa ay yaryihiin waana kuwa nolosha iyo ganacsigaba ku guuleysta.
Waxaad ogaataa loo shaqeeyaw Qaabka aad shaqaalahaaga u ilaalisid, una daryeeshid ayaa waxay ku siinayaan farxad nololeed iyo guul shaqo.

Loo shaqeeyaha waxa laga rabaa
Waa inuu loo shaqeeyuhu daryeelo shaqaalihiisa
Waa inuu loo shaqeeyuhu shaqaalaha Xaaladooda la socdo
Waa inuu loo shaqeeyuhu Abaal marin uu siiyo shaqaalahihiisa kala duwan
Waa inuu loo shaqeeyuhu kula hadlo Hadal wanaagsan iyo dhiiri galin joogtaa.
Waa inuu loo shaqeeyuhu Tilmaan iyo talo siin inuu siiyo shaqaalaha
Waa inuu Loo shaqeeyuhu dhagaysataa shaqaalihiisa kala duwan
Waa inuu loo shaqeeyuhu kalsooni iyo aaminaad siiyaa shaqaalihiisa
Waa inuu loo shaqeeyuhu xaq iyo xuquuq siiyaa shaqaalihiisa kala duwan.
Waa inuu loo shaqeeyuhu shaqada ku ixtiraamaa oo aanu u dhaafin.
Waa inuu loo shaqeeyuhu shahaado sharaf ku maamuusaa kolba cida u qalanta
Waa inuu loo shaqeeyuhu Balanta uu la galo shaqaalaha oofiyaa
Waa inuu dalacsiiyaa shaqaalihiisa isagoo u eegaya aqoonta iyo horumarka shaqada iyo siday u kala horeeyeen.
Waa inuu loo shaqeeyuhu siiyaa Mushahar u qalma shaqada uu hayo oo la mida ta lagu bixiyo suuqa kale.
Waa inuu loo shaqeeyuhu Meelo gaara ka caawiyaa shaqaalaha haddii xaaladi timaado
Waa inuu loo shaqeeyuhu xaq iyo xuquuqba u balanqaadaa shaqaalaha

Waa inuu loo shaqeeyuhu la wadaaga faa,ido iyo khasaaraba shaqaalaha haddii la faa,idana abaal marin la siiyo shaqaalaha.
Waa inuu loo shaqeeyuhu shaqaalaha la farxaa waraystaa, dhagaystaa, kana farxiyaa wakhtiyada qaar.


Haddii qodobadaas loo shaqeeyuhu fuliyo wuxuu helayaa kalsoonida shaqaalihiisa se inta qodobadaasi halkaa taagan yihiin waxa suuro gal in aanay sidaad doonaysid waxwalba u dhicin.
Loo shaqeeyaha maxaa looga baahan yahay
Inuu doorto shaqaale anshax leh
Inuu doorto shaqaale aqoon iyo xirfad leh
Inuu doorto shaqaale daacad ah
Inuu doorto shaqaale aan balwad lahayn
Inuu doorto shaqaale sharciga u hogaansan
Inuu doorto shaqaale diin, dhaqan, iyo ixtiraamba leh.
Inuu doorto shaqaale danta iyo lexejecladu ku baddan tahay.


DHAMAAD

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Mobile: 063-4400319
Email: farxaanmxd@gmail.com
Post number Rp 205 article
Social activists’
Adeege u adeega dadka iyo dalkaba.
Khabiir ku ah shaqada iyo shaqaalaha

Berbera


LATEST NEWS