Xasuus iyo sheeko: noloshii Xaaji Ibraahin Askar – 1935 ilaa 2016 Maxamed Haaruun

0
Wednesday 13th April 2016 11:30:19 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuus iyo sheeko: noloshii Xaaji Ibraahin Askar – 1935 ilaa 2016 Maxamed Haaruun

    Xasuus iyo sheeko: noloshii Xaaji Ibraahin Askar – 1935 ilaa 2016 Maxamed Haaruun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasuus iyo sheeko: noloshii Xaaji Ibraahin Askar – 1935 ilaa 2016 Maxamed Haaruun

Xaaji Ibraahin Askar Ismaaciil Sahal, oo qudha ka jaray sideetan sanadood, subaxnimadii shalay ahayd, (12 April, 2016), ayaa uu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla magaalada Sheffield ee Waqooyiga England. Jidkii la wada hayay baa uu qaaday. Muddo dhawr sano ah oo aanu isku magaalo ahayn ayaa aanu is baranay. Marar dhawr ah oo aan la fadhiistay taariikho badan oo noloshiisa iyo midda umadda Soomaaliyeed ba khusaysa ayaa uu iiga sheekeeyay. Waayaha uu soo maray oo aad u tiro badnaa, (ganacsi, siyaasad, colaad iyo nabad iwm), mudada dheere e uu soo noolaa, xasuustiisa oo aad u fiicnayd, iyo geedi-gelinta hadalka oo uu si wacan u yaqaanay oo la isku daray, ayaa sheekooyinkiisa ka dhigi jiray kuwo macno gooni ah leh. Yarantii noloshiisa Berbera ayaa uu ka soo bilaabay, halkaas ayaa uu ku dhaqday oo ku dhistay. Ganacsatadii adhiga dhoofin jirtay ayaa uu ahaa laga bilaabo dhamaadkii 1950-yadii ilaa horaantii 1990-yadii. Dhul badan baa uu maray, dad badan oo Soomaali oo dhan ka kooban, iyo ajnabi ba waa uu yaqaanay. Dhaqanka Soomaalida, maahmaayada, suugaanta, quraanka iyo diinta na waa uu ku fiicnaa. Ganacsigii dhoofka adhiga iyo dabshidkii ololihii xornimo doonka ee dhamaadkii kontomeeyadii ayaa uu isku mar wada galay. Gudoomiye ku xigihii laantii Berbera ee xisbigii SNL ayaa uu noqday xiliyadaas. Qayb noloshiisa ka mid ah, aad na uu uga shekeeyo ayaa ay ahayd. Nolosha Berbera sidii ay ahaan jirtay ayaa uu iyadana xoog uga sheekayn jiray, xasuustiisa na aad ugu dheerayd.

Sheekooyinkii badnaa ee uu ii mariyay, waxa aan ka xasuusnahay middan. Xaajiga waxa ay qaraabo dhaw ahaayeen Colonel Ibraahin Koodbuur, oo mar ka mid ahaa ciidamadii xoogga Dalka Soomaaliyeed la odhan jiray, mar dambe na hogaamiye dagaal oo Xoogagii SNM ta hormuud u ah baa uu ahaa. Koodbuur iyo dawladdii uu sarkaalka milatari u ahaa waxa ay kala dhaqaaqeen ka dib dhacdadii la baxday Birjeex. Wa weerarkii 11 April, 1983 ay Koodbuur iyo toban jaalayaashiisa ahaa oo hormuud uu u ahaa ay ku weerareen xaruntii Rugta Saraakiisha ee Hargeysa, halkaas oo uu ku xidhna Colonel C/laahi Askar. Sadexduba manta waa ay dhinteen ee Ilahay ha u naxariisto.

Al-muhim, Dhacdadaasi Xaji Ibraahin Askar waxa ay u abuurtay duruuf cusub oo qalafsan. Waxa uu Xaajigu ii sheegay in xaakimkii goboladii Waqooyi ee waagas, Gen Maxamed Xaashi Gaani, uu u yeedhay, kana dalbaday in uu Koodbuur si uun u soo celiyo. Muddo dheer ayaa arintaas hadalkeedu socday, waxa ayna yidhaaheen waa la cafiyayaa, adigu na waa in ad amuurtaas ka hawl gashid, hadii kale khatar baa aad ku jirtaa. Xaajigu waxa uu igu yidhi talo ayaa igu cadaatay, wax aan sameeyo na waa garan waayay. Gaani waxa uu dhahay dhakhso war iigu soo celi. Xaji Ibraahin waxa uu ii sheegay in wiil uu ader u ahaa uu hawd u diray, Koodbuur na fariin u faray. Ninkii waa uu gaadhay meeshii iyo ninkii fariinta loo faray, jawaabtii na waxa ay noqotay middii la filaayay. Koodbuur waxa uu soo yidhi – adeer iska noqo, laakiin hadii mar dambe aan ku arko dil baa aad tahay. Xaaji Ibraahim jawaabtii noocaas ahayd baa uu Gani u geeyay, colaad hor leh ayaa na u bilaabantay. Xaajigu waxa uu ii sheegay in isaga iyo ganacsato kale dhakhso loo ururiyay, jeel Muqdisho u dhaw na lagu guray. Intaas ka dib maxa dhacay?

Xaaji Ibraahim waxa uu igu yidhi – dhawr sano ayaa aanu godka ku jirnay, ka dib na, wax lagu magacaabay cafis madaxweyne ayaa nalagu sii daayay. Waa cafis aan la garanaynin waxa lagaa cafiyay. Markii jeelka nalaga soo saaray, ayaa nala kaxeeyay, oo Xaruntii General Siyaad iyo villa Soomaaliya nalagu shubay. Markii u horaysay noloshayda ayaa aan Ina Siyaad soo hor fadhiistay. Sigaar baa uu buufinayaa, hadba bun madaw ayaa na loogu shubayaa. Hadalkii baa uu bilaabay, waxa uuna naggu yidhi – "Anigu gurigan aan fadhiyo waa u jeedaan jaalayaal. Wax xabad ah oo ku soo dhacaysa miya aad arkaysaan ama maqlaysaan? Isaga ayaa isu jawaabay oo yidhi dabcan waa maya. Idinka (Odayaashii ganacsatada ahaa), ayaa guryihiina xabaddu ku dhacaysaa, idinka ayaa na dhimanaaya. Waxa idinla gudboon in aad u hawl gashaan sidii ad dagaalada la wado iyo xabadda u joojin lahaydeen. Hadal dheer oo waxaasi ka mid yihiin baa uu daldalay, markii uu dhamaystay na waa uu kacay, odayaasha ha la qaado ayaa na uu amray.

Gen Maxamed Siyaad guryaha gubanaaya iyo dhibta dhacaysa kol hadii aanay Villa Soomaaliya ku dhacaynin, in aanay waxba ka khusaynin baa uu dareemaayay sida hadalkan ka muuqata, ficilkiisa na laga arkaayay. Sidaas darted, ayaa uu u sugaayay ilaa ay godkiisa beladu ugu soo galaysay. Sida la wada ogyahay, taariikhda Soomaalida iyo midda caalamka na gashay, Gen Siyaad Isaga oo fakad ah baa uu kaare ama taangi milatari kaga fakaday Villa Soomaaliya, ka dib na, isaga oo madaxa duuban ayaa uu qaxoonti ahaan Kenya ugu talaabay oo dumarkii iyo caruurtii la qaxay. Waa halkii Abshir Bacadlee, goblin talo aduuneey, maxay galabba heer joogtay. Xaji Ibraahin Askar Ismaaciil ilaahay ha u naxariisto, inaka na ha nooga daba naxariisto. Maktabad gubatay oo kale weeyaan geeridiisa iyo geerida odayaasha la midka ahi. Dadkii uu ka tagay, Xuseen, Xasan, iyo Foosiya ayaa aan ka aqaanaa, tacsi ayaa aan gaadhsiinayaa iyaka iyo ehelka kaleba.

- Tacsidiyo quraankaan akhriyay, waa u tagayaane

- Togagii janada, eebahay tiisa haw furo’e.

- Inaka iyo ubadkuu ka tagay, samirku waw toos. (Timacade)


LATEST NEWS