Nolosha iyo Ujeedooyinkeed

0
Saturday 3rd December 2016 10:23:03 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nolosha iyo Ujeedooyinkeed

    Nolosha iyo Ujeedooyinkeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nolosha iyo Ujeedooyinkeed

Ujeedooyinka ka dambeeya Nolosha

U noolow ujeedo
U baro ujeedo
U hadal ujeedo
U daawo ujeedo
U soco ujeedo
U shaqee ujeedo

1.Tallaabo kastood qaadaysid iyo qaabkastood u nooshahay waa inay yeeshaan ujeedooyin ka dambeeya oo aad niyadda ku haysid.
Waxbaad barataa se ujeedadeedu waa inaad aqoon heshid, ku shaqaysatid, ku noolaatid oo aad wax ku hagtid , dadkana waxbartid una faa,ideysid.
2.Waad nooshay se sababtee u nooshahay maxaa xaq lagugu leeyahay maxaadse awood u leedahay oo aad qabsan kartaa, qaabkee u nooshahay , qaabkeese jeceshay inaad u noolaatid. Noloshaada maxaa ka dhiman maxayse dheer tahay nololaha kale sidee kor ugu sii qaadi kartaa sideese Alle u raali galin kartaa uguna mahadnaqi kartaa Alle. Sidee ayaad nolosha saxda iyo waddada saxdaa ku heli kartaa ? Su,aalahaas oo dhan jawaabtoodu waa adiga iyo sidaad u fahantid ugana jawaabtid .


Waa fudayd waana adayg waa fudaydoo waa marka aad isku daydid markastana maankaaga ku haysid waa adayg oo waa adaygoo waa marka aad ka baqatid ama aanad maankaba ku hayn.
Adiga ayaan kula hadlayaa hadda waa adiga waad gaadhaysaa waad helaysa waad farxaysa waanad u qaadan waayi doontaa hadaad u noolaatid Sida Alle inoo jideeyay oo ah sida noloshu ku qurux baddan tahay. Raac wadddadii Nabi Muxamed SCW iyo asxaabtiisii raaceen kuna raaceen amar qaadashadda Alle.
Waad nooshahay oo waadigan akhrinaya, Way dhinteen mana akhrinayaan, waxaad haysataa jaanis iyo wakhti aad noloshaada ku gaadhsiisid meel sare oo if iyo aakhiraba ku anfacda ku dadaal oo ku riyood markasta iyo meelkasta oo aad joogtid.
U sammir nolosha , u dadaal nolosha una dhoolacadee nolosha, ha ka quusan nolosha hakana jeedsan khayrka , ha ka daalin oo ha ka seexan nolosha.
3.Waad hadlaysaa markasta waa in aad ujeedo ka leedahay oo aad cid wax u sheegaysaa si aad cidaad adna wax uga heshid.
4.Waad daawanaysaa se ujeedo u samee maxaad ka faa,ideysaa maxaadse ugu luminaysaa wakhtiga , waad daawanaysa oo caalamkaad ka war helaysaa waxa ka socda waa kuu faa,ido waad daawanaysaa oo wacdi iyo tafsiirbaad daawanaysaa waa faa,ido balaadhan.
5.Waad soconaysaa oo meel khayr ku jiro u soco, waad soconaysaa oo shaqo ama shaqodoon ah ama booqashaa ayaad u soconaysaa , waad soconaysaa oo hawl gaara ayaad u socotaa socodkaaga intaanad bilaabin ka sii fikir sababta iyo faa,idadada ka iman doonta socodkaaga.

6.Waad shaqaysaa u shaqee ujeedo kana fikir haddii aad shaqaysay maxaad ka faa,iday maxaad se u shaqanaysaa shaqadan aad haysaa ma tahay mid kugu haboon haddii ay haa tahay sax haddii kalana wakhtigaaga sug oo dadaalka ka badi.
Shaqo doonbaad tahay maxaad u raadinaysaa shaqada sideese u raadinaysaa qaabkee iyo halkee laga helayaa shaqo waliba ta aad rabtid. yeelo dad baddan oo aad xog ka heshid , haddii Aad bilaa shaqo tahay waxay ku xidhan tahay inaad shaqo heshaa inta qof ee aad xidhiidh wada leedihiin ama inta jeer ee aad shaqo doonatay ama aad ku noqnoqotay goobta aad shaqada ka doonatay.

Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad )
Berbera
Farxaanmxd@gmail.com
+0634400319

LATEST NEWS