"Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait" M. Silaanyo

0
Sunday 20th March 2016 23:07:21 in Xulka Karin News by Xarunta Guud
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah uga gaysan lahayd Boqortooyada Kuwait" M. Silaanyo

    Hargeysa(KNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay markii u horeysay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(KNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay markii u horeysay ka  hadlay hawl-gal ay ciidammada badda ee Jabuuti ay ku dileen askari ka tirsan ciidammadda xeebaha mid kalena ku dhaawaceen dhawaan. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo shalay galab dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaal shaqo oo qaatay muddo afar maalmood ah oo uu ku tagay dalka Kuwait, waxa si heersare ah loogu soo dhaweeyay madaarka Cigaal International ee magaaladda Hargeysa, iyadoo ay qaabileen Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, Guddoomiyaha KULMIYE, Xildhibaanno iyo dadweyne tiro badan oo tubnaa jidka isku xidha madaarka illaa Madaxtooyadda. 



 Madaxweynaha Somaliland waxa uu warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyadda, waxaanu ka warramay booqashadiisii Kuwayt iyo kullamadii uu la yeeshay madaxda dawladda Kuwait oo uu ugu horeeyo boqorka dalkaasi. "Waxaan safar afar maalmood ah aan ku tagay dalka Kuwait , muddada aan halkaasjoogay waxaankulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait oo ugu horreeyoamiirka dalka Kuwait, Amiir Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah. waxaan amiirka kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, waxaansi gaara uga mahad-celiyay Amiirka mashaariicda horumarineed ee dhaxal-galka ah ee boqortooyada Kuwaitka fulisay dalka,kuwaas oo shacbiga iyo dawladda Somalilandba dareensan-yihiin. Waxaan u gudbiyay Amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah, oo Somaliland waxa lagula qabanayo oo uu kaga soo jawaabi doono si dhakhso leh,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaas ku daray"Sidoo kale, waxaan la kulmay madaxda hay’adaha Khayriyga ee ka hawl gala dalka Kuwait oo ugu horeeyoGuddomiyaha Guddiga maamulka hay’adahakhayriga, ahna La-taliyahaamiirka dalka Kuwait , Dr Cabdalla Mactuug Almactuug.Waxaanan kala hadlay Abaaraha ka jira Somaliland iyo sida ay gurmad deg deg ah ugagaysan lahayd Boqortooyada Kuwait, isla markaana ay u sii balaadhin lahaydtaakulaynta ay siiso dadka dhibaatooyinku la soo darseen.” "Waxaan gabo-gabadii kulan xog waraysi la yeeshay jaaliyada Somaliland ee dalka Kuwait, oo aan ugu waramay ujeeddada safarkayga iyo xaalada guud ee uu wadanku maraayo.” Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyay mowqifkiisa la xidhiidha tallaabadii ay ciidamadda xeebaha Jabuuti ku dileen askari ka tirsan ciidammada xeebaha Somaliland, midna kalena ku dhaawaceen jasiiradda Ceebaad ee Somaliland, waxaanu ku jawaabay "Ciidamada Jabuuti iyo Somaliland-ba wixii dhex marayannagu haddii aanuSomalilandnahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, daniugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa inshaalaahu Tacaalaa.”

LATEST NEWS