''Roob doontaas uun aynu weligeen ku jirno'' Cali Kubad

0
Monday 21st March 2016 00:39:22 in Wararkii Maanta by Xarunta Guud
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Roob doontaas uun aynu weligeen ku jirno'' Cali Kubad

    Norway (KNN) Abbaaruhu waa qayb nolosheena ka mid ah,sida Barafka dhulka qabow ka da'a oo kale, ee dadyowga dhulkaas ku nooli ay ugu sii tabaabushaystaan intaanu imanin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Norway (KNN) Abbaaruhu waa qayb nolosheena ka mid ah,sida Barafka dhulka qabow ka da'a oo kale, ee dadyowga dhulkaas ku nooli ay ugu sii tabaabushaystaan intaanu imanin.
Ummad walba waxa lagu qiimeeyaa dadnimadeeda sida ay kuwooda ugu jilicsan ula dhaqmaan( "The measure of a society is found in how they treat their weakest and most helpless citizens". Jimmy Carter). Ilaa iyo maalintii aan dhashay waxaan maqlayey abbaaro baahsan, omos, iyo biyo la'aan. Waxaad moodaa tobankii sanoba inay dhacdo abbaar xun oo dad iyo xoolaba lagu shuf beelo, sida Caabudla, Xaaraame-Cunne, Haawira, Jiitama,Siiga case, Olol dheere, Gaadhi-Gaadhi Saar, Dabo-dheer, iyo kuwo kale oo badan sida tan imminka sida xun uga socota dalka Somaliland siiba Galbeedka iyo Awdal.



Dawlada Somaliland waxay dhaqaalaha ugu badan ka heshaa xoolaha la dhoofiyo, haseyeeshee reer miyaga iyo beeraleyduba midkoodna ma helo ilaalintii iyo kobcintii ay ku lahaayeen dawladooda. Dawladu Hadii ay qorshe u samayn lahayd ku wajahan abbaaraha, masiibadu intan way ka yaraan lahayd. Dawladu waxay ahayd inay dhaqaale u gaar ah abbaaraha, oo gurmad ah loo qondeeyo oo meel loo dhigo, ilayn waynu og nahay inay koley abaari iman doonta'e, oo aanay xoolaha ummada rag wasiiro ahi jeeb ku shuban ama ku takri falin. Horaantii sanadkii hore( 2015), ayaa nin wasiir ahi meel (Macrad) baabuurta lagu iibiyo, ka iibsaday 72 gaadhi muddo laba bilood gudahood ah, dad buu u iibiyey si ay ugu taaageeraan musharaxnimadiisa, inuu noqdo hogaamiyo xusbi uu markaas ku loolamayey. Nin baan maalin ku idhi waar ninyahow maxaa wasiir hebel ku dabo dhigay, ee aad ugu guulwadeysaa. Waxuu iigu jawaabey, "baabuurkayga land-cruiserka ahna isagaa ii iibiyey, afartan kun oo dollarna kaash ahaan buu igu siiyey, ee sidee kale baan Hargeysa ugu noolaan kari lahaa la'aantiis".



Hadaba, waxba yaan roob doon dadka lagu waalin, waayo Ilaahay waqtigii uu qoray roobku kasoo horayn maayo kamana danbeyn doono, ee inteena yari innagu filane, qorshe xalaal ah ma la nimaadnaa, oo Ilaahay talada suuban ma u dhiibanaa? Dameeraha ta ugu yar baa igu biqlo badan, kuwii abbaaraha ugu xun ka soo doogey baa markay wasiiro noqdeen ugu boob batay, Eesh qiyaasak ma sidaas baynu Ilaahay kaga baryeynaa inuu markaas innoogu naxariisto. Ummadaha kale intaas aynu jeebka ku shubanayno, ama qof baabuur loogu iibineyno bay dalkooda meel u dhigaan, si marka ay dhibaato iyo abbaari u timaado, ay ugu gurmadaan dad kooda tabaalaysan. Marba huteelada waaweyn sida Maansoor iyo Ambassador wasiiradeenu qado iyo macsuumad ha ugu sameeyeen dad qurbaha ka yimi ee gorofkii caydheed hanbaarsan, iyadoo ay dadkoodii reer miyiga ahaa ay gaajo la bakhtiyayaan. Inta kasoo doogta abbaartuna, berito ha u codeeyeen raggaas xoolahoodii ku hor maalaya, ilayn reer waliba waxu u baahan yahay wasiir xoolihii ay cuni kari waayeen u cuna'e, oo ay markaas dawladnimadiiba ay noqoto cadyahow ama ku cunay ama ku ciideyey. Eebow Qaadir!
Ilaahayow naxariistaada noogu roonow, Ilaahayow Aamiin.
LATEST NEWS